TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Aljeeriya oo hiigsaneysa in mugga ganacsiga ay la leedahay Turkiga uu gaaro $10 bilyan
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Algeria Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u guddoomiyey kulankii saddexaad ee Guddiga Wadajirka Qorsheynta Turkiga-Algeria.
Aljeeriya oo hiigsaneysa in mugga ganacsiga ay la leedahay Turkiga uu gaaro $10 bilyan
Turkish Foreign Minister Hakan Fidan meets with Algerian Foreign Minister Ahmed Attaf in Algiers, Algeria. / AA
21 Abriil 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya Axmed Attaf ayaa sheegay in dalkiisa uu hiigsanayo in uu kordhiyo mugga ganacsiga la leh Turkiga ilaa $10 bilyan, kadib kulan uu la qaatay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan.

Wasiirrada ayaa si wadajir ah u guddoomiyay shirkii saddexaad ee Guddiga Wadajirka Qorsheynta Turkiga-Aljeeriya oo ka dhacay magaalada Algiers, caasimadda Aljeeriya, Isniintii.

Intii lagu guda jiray kulanka, Attaf wuxuu iftiimiyey natiijooyinkii laga gaaray xiriirka Turkiga iyo Aljeeriya ee ku saleysan awaamiirta Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sannadkii la soo dhaafay, wuxuu sheegay in mugga ganacsiga labada dal uu gaaray ilaa $6 bilyan, taasoo ahayd heer aan horay loo arag, isla markaana iyadoo la raacayo awaamiirta hoggaamiyeyaasha labada dal, ay doonayaan in tiradaas la gaadhsiiyo ilaa $10 bilyan.

Attaf wuxuu adkeeyey muhiimada ay leedahay in laga gudbo caqabadaha ku hor gudban waddada lagu gaarayo yoolalka istiraatijiyadeed, isagoo sheegay in dhaqaalaha Aljeeryia uu sii wado bixinta fursado maalgashi oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan tamarta la cusboonaysiin karo, warshadaha dawooyinka, iyo ballaarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac.

XIGASHO:АА
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us