Madaxweyne Ku-meel-gaarka ah ee Burkina Faso Kabtan Ibrahim Traore ayaa ah shaqsi si weyn loogu xasuusto Afrika iyo dunida inteeda kale. Waxa si gaar ah ula dhacsan dhallinyarada oo u arka inuu yahay hoggaan kacdoon sameeyey.
Halkan waxaa kuugu diyaarinay shan xaqiiqo oo ku saabsan Ibrahim Traore:
Hoggaamiyaha ugu da'da yar caalamka
Kaptan Ibrahim Traore wuxuu dhashay 14-kii Maarso 1988, waana hogaamiyaha dawladeed ee ugu da'da yar dunida. Wuxuu ka yar yahay Madaxweynaha Ecuador Daniel Noboa saddex bilood iyo bar. Sidoo kale, wuxuu 55 sano ka yar yahay Madaxweynaha Cameroon Paul Biya, oo ah hoggaamiyaha ugu da’da weyn caalamka, da’diisuna tahay 92 sano.
Xirfad ciidannimo
Traore wuxuu ku biiray ciidanka Burkina Faso sanadkii 2009, kabtan ayuuna noqday 2020-kii. Wuxuu ka qaybgalay howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee Mali, kadibna wuxuu la dagaallamay kooxaha fallaagada ah ee dalkiisa. Dagaalladaas ayuu ku helay sumcad sare. Bishii Sebtembar 2022 ayuu awooda kula wareegay afgambi militari bishii Sebtembar 2022, isagoo xukunka ka tuuray Colonel Paul-Henri Damiba.
Isbahaysiga Saaxil
Safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda isagoo oo madax ah wuxuu ku tegay Mali, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Colonel Assimi Goita 2-dii Noofembar 2022. Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa hadda ah saaxiibo dhow. Waxay si wadajir ah u sameeyeen isbahaysiga cusub ee loo yaqaan "Isbahaysiga Dalalka Saaxil" (AES), kadib markii ay ka baxeen ururka ECOWAS.
Safarrada kooban
Marka laga reebo waddamada AES, Traore wuxuu booqasho rasmi ah oo kaliya ugu baxay Ghana, halkaas oo uu kaga caleema-saarkii Madaxweynaha Ghana John Mahama 7-dii Janaayo 2025.
Nolosha gaarka ah
Madaxweynuhu si gaar ah ayuu u ilaaliyaa noloshiisa gaarka ah. Looma arko isagoo la socda xaaskiisa ama carruurtiisa, inkastoo uu hadda yahay 37 jir.
Xaqiiqo Dheeraad ah: Salaanta feerka
Traore waxaa si weyn loogu yaqaan salaanta feerka (fist bump), waxaana aad u yar inuu gacan qaado. Sidoo kale waa taageere weyn oo kubbadda cagta ah, wuxuuna mararka qaar ka qaybqaataa ciyaaraha.
XIGASHO: TRT Afrika