CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Kumanaan isugu soo baxay magaalada Istanbul iyago ka soo horjeeda xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Qaza
Bannaanbax ballaaran oo ka dhacay Istanbul ayaa lagu dalbaday in la joojiyo xadgudubyada Israa’iil ee ka socda Qaza, iyadoo dibadbaxayaashu ay ugu baaqeen dalalka Muslimiinta in ay tallaabo qaadaan, isla markaana cambaareeyey aamusnaanta caalamka.
Kumanaan isugu soo baxay magaalada Istanbul iyago ka soo horjeeda xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Qaza
Dibad-baxan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan dhaleeceynta caalamiga ah ee xasuuqa Israa'iil ay ka waddo Qaza, taasoo keentay mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay dalal badan. / AA
21 Abriil 2025

Kumanaan qof ayaa isu soo baxay degmada Üsküdar ee magaalada Istanbul, si ay u cambaareeyaan weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Qaza, iyagoo ka qeybgalay bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen hay’adaha samafalka, laguna magacaabay “Qaza way dhimaysaa!”

Dadka isugu soo baxay fagaaraha Üsküdar maalinimadii Axaddii, iyaa si xooggan uga soo horjeeday duullaanka Israa’iil ee Qaza, kaasoo tan iyo 7-dii Oktoobar 2023 sababay dhimashada tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah.

Dibadbaxayaasha ayaa lulayay calamada Turkiga iyo Falastiin, waxayna siteen boorar ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin “50,800+ oo Falastiiniyiin ah oo la dilay” iyo “Go’doominta Qaza waa sharci darro,” iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen “Ha dhacaan daalimiinta Israa’iil!”

Ka qeybgalayaashu waxay muujiyeen garab istaagooda shacabka Qaza, waxayna ugu baaqeen dowladaha Muslimiinta inay ka hortagaan dambiyada ay Israa’iil ka geysanayso dhulka Falastiiniyiinta.

Ahmet Goksun, oo ah guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Gargaarka ee IHH, oo la hadlay dibadbaxayaasha, ayaa si adag u cambaareeyay Israa’iil, isagoo ku tilmaamay go’doominta Qaza mid arxan darro ah oo dunida oo dhan la tusayo.

“Joojiya arxan darrad, xasuuqa iyo dulmiga,” ayuu ku baaqay Goksun, isagoo sidoo kale ku eedeeyay waddamada Muslimiinta inay noqdeen “fulayaal iyo kuwa la shaqeeya Israa’iil,” wuxuuna ka digay in aamusnaantooda ay keeni doonto cawaaqib xun.

“Maalin baa la idin xisaabin doonaa,” ayuu yiri. “Kuwa is leh geesinimo ma haysaan xitaa si aad u taageertaan ilmihii taagnaa taangiga hortiisa Qaza?”

Bannaanbaxa ayaa dhacay iyadoo ay sii kordhayaan mudaharaadyada caalamiga ah ee ka dhanka ah weerarka milatari ee Israa’iil ka waddo Qaza, oo dalal badan ay dhaleeceeyeen, ay ka mid tahay Turkiga.

 

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us