Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) iyo Rwanda ayaa qorsheynayaan inay heshiis ku saxiixdaan Washington Jimcihii si si loo dhiirrigeliyo nabadda iyo horumarka dhaqaalaha, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters, taasoo qayb ka ah dadaal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo rabshadaha ka dib horu socod ay sameeyeen falaagadda M23 ee bariga Congo.
Heshiiska, oo la filayay inay saxiixaan wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal xaflad uu ka soo qaybgalaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, ayaa imanaya xilli Washington ay wadahadallo kula jirto DRC si ay u maalgashato balaayiin doolar dalkaasi ee macdanta qaniga ku ah.
Rwanda ayaa toddobaadkan sheegtay inay sidoo kale kala hadlaysay Washington arrimo la xiriira heshiis macdan. DRC ayaa markale aragtay rabshado sii kordhaya ka dib markii falaagadda M23 ay billowday weerar weyn bishii Janaayo kaasoo horseeday qabsashada labada magaalo ee ugu waaweyn bariga dalka.
Qaramada Midoobay iyo dawladaha reer galbeedka ayaa sheegay in Rwanda ay hub iyo ciidamo siiso M23, halka Rwanda ay beenisay inay taageerto jabhadda waxayna sheegtay in militarigeedu ay u dhaqmeen is-difaac ka dhan ah ciidanka DRC iyo maleeshiyo ay aasaaseen kuwii dambeeyay xasuuqii 1994.
Dadaallada Dhexdhexaadinta
Qatar iyo Mareykanka ayaa labaduba muujiyeen xiiso ay u qabaan dhexdhexaadinta xal u helida khilaafka. Dawladda Khaliijka ayaa muddo dheer isu muujisay inay tahay nabad-doon, halka Washington ay danaynayso helitaanka qayb weyn oo ka mid ah kheyraadka macdanta ee DRC.
Il diblomaasiyadeed ayaa sheegay in heshiiska la saxiixi doono Jimcaha uu higsanayo kobcinta "waddo nabadeed, xasilooni, iyo horumar dhaqaale oo isku dhafan" ee bariga DRC iyo "dib u bilaabashada xiriirka caadiga ah ee labada geesood."
Il kale oo warbixin laga siiyay heshiiska ayaa sheegay in looga gol lahaa in lagu dhiso kalsoonida maalgashadayaasha. Maamulka Trump wuxuu danayn gaar ah u muujiyay DRC tan iyo markii senatar DRC ah uu la xiriiray saraakiisha Mareykanka si uu ugu soo bandhigo heshiis "macdan-lagu-beddelanayo-amni" sannadkan.
Washington waxay doonaysaa helitaan ballaaran oo macdanaha sida copper, kobalt iyo lithium, kuwaas oo loo isticmaalo taleefannada gacanta iyo baabuurta korontada ku shaqeysa, kuwaasoo inta badan ay ka faa'iideystaan Shiinaha iyo shirkadihiisa macdanta.