CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ku dhowaad 600 oo carruur ah oo lagu dilay Qaza tan iyo Maarso: QM
UNRWA ayaa ku tilmaantay dhibaatada bini'aadantinimo inay tahay tii ugu xumayd tan iyo bishii Oktoobar 2023.
Ku dhowaad 600 oo carruur ah oo lagu dilay Qaza tan iyo Maarso: QM
Ku dhawaad 600 oo caruur ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishii March: QM / Reuters
21 Abriil 2025

Ku dhowaad 600 oo carruur ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Qaza tan iyo bishii hore, ee Maarso sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

Iyadoo tixraacaysa tirooyinka ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta (UNICEF), UNRWA waxay sheegtay in in ka badan 1,600 oo carruur kale ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen tan iyo markii Israa’iil ay dib u bilowday weerarradeeda 18-kii Maarso.

"Dhibaatada bini'aadantinimo ee Marinka Qaza waxay hadda u badan tahay inay mareyso halkii ugu xumayd tan iyo Oktoobar 2023,' ayay raacisay [UNRWA]."

Ciidanka Israa’iil ayaa dib u bilaabay duullaanka dhimashada leh ee Qaza 18-kii Maarso, waxaana tan iyo markaas ay dileen 1,864 qof halka ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 4,900 oo kale inkastoo ay jireen xabbad-joojin iyo heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo dhaqan galay bishii Janaayo.

In ka badan 51,200 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza duullaanka arxan darrada ah ee Israa’iil tan iyo Oktoobar 2023, kuwaasoo intooda badan yihiin haween iyo carruur.

Bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo loo haysto dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada oo ka dhacay Gaza.

Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysaa dacwad xasuuq oo ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) taasoo la xiriirta dagaalkeeda ka dhanka ah marinka [Qaza].

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us