W/Q: Millicent Akeeyo
Marwada kooWaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa muddo dheer la dhacsaneyd fanka iyo hiddaha dhaqanka ee Afrika. Dadaalkeedaas waxaa si cad looga dheehanayay bandhig weyn oo ay ku soo abaabushay Madasha Dibloomaasiyadda Antalya 2025, halkaas oo ay fanka iyo xirfadaha Afrika ku soo bandhigtay masraxa caalamka.
Guriga Dhaqanka Afrika iyo Suuqa Farshaxanka, oo la aasaasay 2016-kii iyadoo ay hormuud ka tahay Marwada Koowaad ee dalka Turkiga, ayaa ah goob loogu talagalay in lagu soo bandhigo hal-abuurka iyo adkeysiga haweenka Afrika, muujinta shaqadooda, ka caawinta in ay u beddelaan fursado dhaqaale, iyo kobcinta is-dhaafsiga dhaqameed ee Afrika iyo Turkiga.
Zeliha Saglam, oo madax ka ah Aqalka Dhaqanka Afrika, ayaa ku tilmaantay is-dhexgalka in uu yahay fikrad ka dhalatay safarro badan oo Emine Erdogan ay ku martay qaaradda Afrika.
Zeliha Saglam oo u waramaysay TRT Afrika ayaa tiri "Marwada koowaad intii ay ku jirtay booqashooyin badan oo ay Afrika u raacday Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayey aragtay in haweenku ay soo saarayeen agab tayo sare leh, laakiin aysan helin fursad ay ku iib geeyaan, waxay rabtay inay taageerto haweenkaas.
Farshaxanka iyo ganacsiga
Kooxda wax-soo-saarka ee Guriga Dhaqanka waxay Turkiga ayaa Afrika ka keena alaab ay dumarka Afrikaanku sameeyeen ka dibna halkan ku soo bandhiga. Alaabtaan ayaa iskugu jirta dhar wejiga lagu xiro oo qabiilada u gaar ah iyo dhar gacanta lagu tolay, ilaa farshaxanno casri ah iyo taallooyin dareen wata. Mashruucaan ayaa ah mid loogu talagalay in dumarkaas la siiyo booskii mudnaa in xirfadooda ku muujiyaan.
Qayb kasta oo lagu soo bandhigo Guriga Dhaqanka Afrika iyo Suuqa Farshaxanka waxay xambaarsan tahay sheeko u gaar ah. Agabka la soo bandhigay ayaa laga keenay dalal badan oo qaaradda Afrika ah sida Senegal, Ivory Coast, Mali, Kenya iyo Tanzania.
Ujeedada koowaad ee mashruuca ayaa ah in la dhiirrigeliyo agabka farshaxanka, moodada iyo dhaqanka ah oo muujinaya ruuxda Afrika, isla markaana lagu iibiyo suuq caddaalad u ah kuwa soo saara.
"Waxaan haynaa agab ka yimid ilaa 40 dal. Qaar ka mid ahna waxaa sameeyay haween naafonimo la nool," ayay tiri Zeliha Saglam.
Ballaarinta Saameynta
Aqoonyahanno iyo madax caan ah, gaar ahaan marwooyinka koowaad ee dalalka Afrika, ayaa sanad walba booqda Guriga Dhaqanka Afrika si ay u taageeraan mashruuca una faafiyaan wacyiga iyagoo qabanaya munaasabado kala duwan.
Sanadkii 2024, Marwada Koowaad ee Turkiga, Emine Erdogan, waxay marti qaaday Marwada Koowaad ee Nigeria, Oluremi Tinubu, munaasabad ay kaga wada hadleen sida mashruuca Guriga Dhaqanka loo sii horumarin karo si fursad ballaaran loogu siiyo suuqyada caalamiga ah agabka farsamada gacanta ee Afrika.
Oluremi Tinubu ayaa muujisay hodantinimada iyo kala-duwanaanta dhaqanka Nigeria, oo ay matalaan qawmiyado leh luqado kala duwan kuwaasoo ku nool dalka ugu dadka badan Afrika. Marwada Koowaad waxay sheegtay inay aad ugu farxi doonto inay hodantinimadaas ku taageerto mashruuca Guriga Farshaxanka iyo Dhaqanka Afrika.
Markii Emine Erdogan uga warrantay Oluremi Tinubu buugaagta ay ka qortay Afrika — oo ay ka mid yihiin "Socdaalkaygii Afrika", "Hidaha Cuntada Afrika" iyo "Maahmaahyada Afrika ee 38 Luqadood: Qaybta 1-aad" — Marwada Koowaad ee Nigeria ayaa sheegtay in Emine Erdogan ay dhab ahaan u tahay Afirkaan, inkastoo aysan asal ahaan ka soo jeedin qaaradda.
Oluremi Tinubu ayaa sidoo kale muujisay in ay la dhacsan tahay Emine Erdogan iyadoo uga mahadcelisay dadaalka ay gelisay horumarinta dhaqanka iyo farshaxanka Afrika.
Intii kulanka lagu jiray, labada Marwo waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi, oo ay ka mid yihiin suurtagalnimada mashaariic cusub oo lagu taageerayo haweenka iyo dhalinyarada.
Sida lagu sheegay bogga internetka ee Guriga Afrika, "Turkigu wuxuu sii wadi doonaa la wadaagista waayo-aragnimadiisa taariikheed, aqoontiisa bulsho, siyaasadeed iyo dhaqan, iyo sidoo kale kheyraadkiisa, si uu ula taageero maamullada iyo shucuubta Afrika."
Ballanqaadkan sidoo kale waxa laga xusay farriinta Marwada Koowaad. "Suuqa Farshaxanka Afrika iyo Guriga Dhaqanka waa mid hadiyad u ah walaalnimada Turkiga iyo Afrika. Waa goob ay qalbiyadeennu ku kulmaan," ayay tiri.
XIGASHO: TRT Afrika